Saturday 19 March 2016

Warbixinta Mashuurii micro- Finance ee laga hirgaliyey Raaso September 2014

Sidaad horey aan halkan RWC idiinkusoo gudbisey warbixinta hirgalinta mashruucan shaqa abuurista loogu sameeyey haweenka ku dhaqan degmada Raaso. Qoysaska ay haweenkaasi formuudka u yihiin ayaa tiradoodu waxay tahay 63 qoys. Haweenkan oo ka kala tirsan sadex iskaashato  ayaa laba ka mid ah waxaa abuurey hayadan RWC.

Mid ka mid ah labadaa ay hayadu abuuristooda masuulka ka tahay ayaa waxay ku talaabsatey horumar aad u sareeya. Iskaashatadani waxay ku bilowdey saami dhan kana kooban sidan. Waxay hayadu amaah u siisey 45,000 birr iskaashata khudrada ee (Arahma). Sidoo kale xubnaha iskaashataduna waxay ku dareen lacag dhan 38,000birr, isugeyn waxay lacagtaasi noqotey 83,000birr.

Haddaba warbixin sanadeedka iskashatadu  waxay sheegeen in lacagtoodu gaadhey 350,000 birr. Taa oo ay sababtey is afgarad weyn oo ka dhashey haweenka ka tirsan iskaashatadaa. Sida muuqata marka haweenku gaadheen horumar ku dhow malyan badhkii mudo sanad ah hadda waxaa cad in hadey sida ay yihiin ku sii wadaan ay gaadhayaan intaa iyo in ka badan.

Hayeeshee iskaashatadii labaad ee iyaduna  hayadu abuurtey taas oo ka ganacsaneysey raashinka ee Alxamdi. ayaa waxaa ka dhex dhashey is afgaranwaa xubnaha dhexdooda ah. Labada iskaashato iyagaa doortey xubnahooda, kaliya waxay hayadu ku guubaabisey iney ka koobnaadaan dhamaan bulshada ku nool degmada Raaso.
 
Nasiib daro iskaashatadan ma ayna noqon mid kafaa iidaysata waqtiga lasiyey. In ta badna wuxuu waqtigu kaga dhacay iney waxba isku af garan wayaan. uGu danbeyntii waxay goaan ku gaadheen iney qaybsadaan saanii ay siisey hayadu. Sida iskaashatada Al Rahme ma ayna ku darsan saamiga lasiiyey saami xagoda ah. Taasina waxay muujineysaa kalsoonidarada dhexdooda ah.
 
Ugu danbeyntii markey xalin waayeen is afgaradkooda waxay go'aan ku gaadheen iney qaybsadeen saamigii hayadu siisey iyo wax yar oo faaiida oo uGu koradhey. Kaas oo ah 45,000 oo saamigii hayadu siisay ah iyo 20.000birr oo uGu koradhey, taas oo isku noqotey lacag dhan 65,000birr. Taas ooy u qaybsadeen sidan 32.500birr kooxdiiba. Durba mid ka mid ah labadaa qaybood ayaa waxay warbixintooda ku soo gudbiyeen in ay ku kordhiyeen lacagtaa 19,000birr. markaa durba waxay gaadheeb 41,500birr. Waxay hayadu siisay fursad labaad iyadoo uGu kordhisay sanad kale, ka hor inta aaney la xisaabtamin. Inkastoo hayadu ka walaac santahay, haddana waxay aaminsan tahay in ay ka faaiideysan doonaan fursadan labaad.
 
Iskaashata sadexaad waxay la kulmeen waqti ay u waayeen suuq xargaha kaa oo ay u ruuriyeen namber badan. Marka ilaa ay suuq u helaan hargahaa lama qaran karo waxa ay khasaareen iyo waxa ay faaiideen. hayaduna waxay kashaqeyneysaa sidey uga caawinlahad in hargahaa iib loo helo.
 
 
 
 

Thursday 30 July 2015

Warbixinta RWC waxqabadka hayada iyo horumarka guud eedegmada

Warbixintan oo hayadu uGu tala gashey iney kaga hadasho wax qabadka hay ada iyo horumarka guud ee Raaso ayaa sidan u dhacdey.

Tuesday 3 March 2015

Ololo lagu Horumarinayo Daryeelka Caafimaad ee Magaalada Raaso


Anaga oo ku hadleyna magaca Haweelka Raaso ayaa waxaan dooneynaa inaan bilowno ololo aan aaminsamahay in ay wax badan ka badeleyso dhibaatada caafimaad ee haysata magaalada gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta.

Olololhan oo aan kala kaashaneyno beesha Raaso ayaa waxaan si toosa uGu gudbineynaa dowlda deegaanka, dowlada federalka ee Ethiopia iyo hay adaha aan dowliga ahayn ee caalanmka in arinta daryeelka caafimaad ee dadka ku nool Raaso uu u baahan yahay in la iska kaa shado isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

Ololahan oo u baahan taageero balaadhan sida talo bixin, qooralo nalagu taageerayo, seexyo cadeeyana inaad dooneysaan in arintan wax laga qabto iyo gudi odayaal iyo hweenba isugu jira oo nala horfadhiista xafiisyada aan xusney.

Hadaba waxaan ka codsaneynaa in beeshu na siiso taageero buuxa. Anagoo anaguna ka soo shaqeyna sidii xafiisyada ku haboon uu olalahani u gaadhilahaa.

Haddaba cidii iyadu diyaar u ah arintaa fadlan nagala soo xidhiidh halkan. raasowomen01@gmail.com .

Saturday 28 February 2015

Daryeelka Caafimaadka ee Dadka Raaso Gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta


Dadka ku nool magaalada Raaso waxaa lagu qiyaasey 80.000 oo qof, dadka tiradoodu intaa la eg tahay ayaa waxaa xarun caafimaad u ah ' Health Centre' ma aha 'Full Hospital' ee waa kaliya rug kumagacaaban caafimaad. Malaha dakhtar iyo kalkaaliyaal tababa baran sida umulisooyinka.

Haween ka mid ah shacabka magaalada ayaa waxaa dhacdey inta ilmuhu uu la soo baxay gacan, in lawaayey in la helo qof tababaran oo ka umuliya. Iyadoo inta badan arintaasi marka ay dhacdo hooyada laqalo oo la kala badbaadiyo ilmaha iyo hooyahada. Taa iska daayoo, ilmihiina kolba xubin ayaa lasoo gooyey, hooyadiina si dhakhtar xaalkeeda loo tuso waxaa la waayey gaadiid lagu qaado in kasta markii danbe la kaxeeyey.

Waa wax lala yaabo iyadoo Ethiopia ay meela badan oo ka mid ah wadanka ka cidh tirtey xanuuno badan haddana qaybo ka mid ah wadanka sida Raaso wali dadku ku nool yihiin xaalad lagu tilmaami karo 'stone age'.

Magaalooyinka tirade dadka ku nool Raaso la mid ahi ay ku nool yihiin waxaa ku saleysan dhakhaatiir, kalkaaliyaal caafimaad. Sidoo kale waxay leeyihiin Hospital leh qalabkii loogu tala galey. Nasiib daro taasi wali uma hirgalin,Raaso mana cada iney suura gal tahay mustaqbalka dhow ha yeeshee waxaa iyadu cad in ayna jirin arintaasi.

Waxaa dhawaan loo diray gabdho u dhashey magaalada in lagu soo tababa baro Godey, laakiin  Caafimaadka daryeelka bulsha ee Raaso waa mid u baahan in wax laga qabto . Caafimaadka, waxbarashada iyo Biyuhu waa aas aaska nolosha, haddana fulintoodu waa waxa uGu qaalisan. In kastoo haddii gacmaha la is qabsado wax badan la qaban karo.

Intuba waxay u baahan yihiin, dad tababaran oo ay qaali tahay in la daboolo mushaharkooda, qalab qaali ah iyo dayac tirka intaa oo qaali ah. Waxayaabahaas oo dhan waxaa shaqo kuleh dowlada. Xaqiiqdu dowlada lasheegaa waa  wax ka qabashada arimahaas. Magaalagu xaqbey u leedahay. waayo kuma baaqato cashuuraadka dawladu ka qaado magaalooyinka la mid ka ee hayta dhamaan wax yaabaha aan ka hadaley.

Waxaa muhiim ah in Raaaso ay hesho public service kan mustaqbalka dhaw. Waxaanan rajeyneynaa iney noqdaan kuwa hirgala sida uGu dhaqsada badan. In kasta uu walaac badani ka jiro jiitanka ay jiitamayaan service kaasi.

Friday 6 February 2015

Warbixin kusaabsan Iskaashatooyinka


 
Mid ka mid ah iskaashatooyinka ay RWC aasaastey ayaa waxaa sida warbixintu nagu soo gaadheyso noqotey mid iyadu durba ka dhex muuqatey kuwakale.
iyada ooy maamulka degmadu eegayaa wax qabadka iskaa shatooyinka ayaa waxay iskaashatadani durba kasbatey ineysoo jidato maamulka degmada iney si gaar ah u soo booqto xarunta iskaashata si ay u dhiiri galiyaan dumarkaa.

Waxaa iyaduna soo gaadhey degmada faxiis ka madax banaan maamulka deegaanka Soomaalida. Xafiiskan ayaa isgagu ah mid si toosa u hoostaga federalka. Xafiiskan ayaa shaqadiisu tahay inuu sameeyo nidaam dadka noloshooda kor loogu qaado, sida iskaashatooyinka, dhismayaal iyo waxqabad farabadan oo ku wajihan beeraha iyo xoolaha.

Xafiiskaa ayaa markuu la kulmey iskaatooyinka dumarka ayaa wuxuu aad usoodhaweeyey sida habsamida leh ee ay iskaashatooyinkani u sameysan yihiin. Sidoo kale wuxuu aad u soo dhaweeyey in ay shaqadoodu tahay mid ay gacanta kula jiraan. Taas oo u fududayneysa in aan looga baahneyn shaqo sida loo habeyn lahaa iskaashatooyinkaa ee kaliya looga baahan yahay in xafiisku qiimeeyo wax qabadkooda siiyana lacagaha uu xafiisku u qoondeeyey haweenka.
Arintaa ayaa iyadu mooraalka dumarka kor u qaadey, sidoo kale kor uqaadey mooraalka dadka guud ahaan.

Monday 19 January 2015

Potable Water




Clean water is the most important thing in our live yet our people miss that. Women, children and elderly people are among the most vulnerable in Raaso community.

Despite, two wells were dug in recently; the city did not get opportunity to overcome the difficulty of getting clean water. Both wells were announced that they are not suitable to drink. One of them people use other purpose such building the houses, whereas the other was completely sealed.

That makes the only option is using Haqiq Valley water, the water are not clean because the wells are open to everything.


 
When it is ‘Gu’ season they dig holes which they call ‘laaso’ in the middle of the valley and that is how they obtain their drinking water.  Sometimes you see both animal and people using same water point.                                   




Thursday 15 January 2015

Biyaha ku haboon cabitaanka (Potable Water)


Magaaladu waxay in muda ah ka cabeysey ceelal gaagaaban oo laga qodey toga Xaqiid. Ceelashaa sida aad lasocotaan waxay qodan yihiin mudo iminka lagu qiyaasey ilaa saddex iyo tobansano intooda badani wey aas meen. Ceelashan la aan tood aad ayey u adkaan lahayd nolosha magaaldu.

Ceelashan oo dherarkoodu gaaban yihiin ayaa  noqdey kuwa aan dabooli karin baahida magaalada sababo badan awgood sida:-

1. Tirada dadka kunool magaalada oo aad u Badan.

2. Nadaafada biyaha oo aad u hooseeya sida iyagoo ku dhex yaala toga dhexdiisa  islamatkaana af banana ayaa waxaa sahlan in haduu togu buuxsamo ay wax badani galaan. Sidoo kale dadka inta badan ka dhaamiya oo iyagu u badan caruur oo si fudud wax ugu gura iyo iyaga laftooda oo halis u ah iney kudhacaan.

Sikata ha ahaatee dadku wey jecel yihiin iney kacabaan ceelashaa waayo biya oo ay aaminsan yihiin iney macaan yihiin, xataa hadey u daran yihiin caafimaadkooda.

Muda laga joogo Afarsano ayaa waxaa magaalada laga qodey ceel ay qodeen qolyaha qaabilsan horumarinta jidadka, lama garanayo inceelkani uu kamid yahay waxyaabaha la socda horumarkaa, sababtoo ah wadadani ma ah wado loo qorsheeyey Raaso ee waa wado qorshaheedu uu ku saleysan yahay in la sameeyo wado ka timaada Addis Ababa ilaa Godey; taas oo magaalagu nasiin u yeelatey iney dhexmarto.

Ceelkani magaalada wuxuu ka fududeeyey biyo la aantii, ma aha biyo wasaq ah sida kuwa xaqiiq laakiin dhibkoodu wuxuu noqdey ineyna ku habooneyn in dadku cabaan. Magaaladu waxay u istic maashaa iney waxku dhisato ama ay ku qabsadaan hawlo kale.

Kadib markey magaalada loomagacaabey degmo buuxda ayaa waxaa iyaguna yimid waaxdahorumarinta biyaha ee Deegaanka Soomaalida si ay wax uga qabtaan biyo la'aanta magaalada waxay qodeen ceel, ceelkii wuxuu noqdey mid sidey sheegeen khabiiradaasi aan ku habooneyn in la cabo, kadibna waa ningaey ceelkaa  looma ogolaan in shacabku uu u isticmaalo.

Sidaa daraaadeed magaaldu waxay haysataa ceelasha wasaqda ah ee xaqiiq iyo ceelkan oo isga aan lacabin waxna lagu karsan.  in kasta oo ay jira rajo in lasameeyo mashruucwey oo kusaabsan biyaha, lama hubo waqtiga uu mashruucaasi iman. Haddaba inta ka horeysa waqtigaa waxaad moodaa iney banana kaalin loo baahan yahay in la buuxiyo, taas oodmoodid iney ubaahan tahay iney buuxiyaan beeshu.